QM oo kadigtay weerarada diyaaradaha Drones-ka ay ka gaystaan Soomaaliya(warbixin



War kasoo baxay golaha ammaanka ayaa looga digay qatarta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee uu mareeykanka u adeegsado hawada Soomaaliya, warbixinta waxaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee lo yaqaano “Drone-ka” ay qatar ku yihiin duulimaadyada rayidka ah ee isticmaala hawada Soomaaliya,sidookale waxaa warbixinta lagu yiri adeegsiga diyaaradahan waxay sii murjineeysaa xaalada Somalia oo ay mudo dagaalo ragaadiyeen.

Warbixintan o ay dhowaan soo saareen golaha ammaanka ayaa lagu sheegay dhibaatooyin dhowr ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheen ka geysteen Soomaaliya,tusaalo ahaan waxaa lasoo qaatay diyaarad nuuca duuliye la’aanta ah oo mar kusoo dhacday kaamka “Badbaado” oo kuyaal degmada Dharkeenleen ee magaalada Muqdisho in kastoo aysan wax dhibaato ah geeysan hadane waxay kusoo dhacday meel ay buuxeen dad kasoo cararay abaarihi ku dhuftay gobolada Soomaaliya,sidookale waxaa jirtay diyaarad iyadana kusoo dhacday meel dhuxusha laga qodo o kutaal bartamaha Somalia, sidookale waxaa warbixinta lagu sheegay in goor dhoweyd ay diyaarad nuuca duuliye la’aanta ah ku dhacday diyaarad kuwa rakaabka ah oo ween balse aysan wax dhibaato ah geysan.

Gudi ay QM uxilsaareen daba galka iyo soo baarista dhibaatada ay diyaaradaha aan duuliyaha lahaeen ka geystaan Somalia ayaaa waxay soo ogaadeen in laba kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheen “Drones” isla markaasna laga leeyahay mareeykanka ay howl galo kawadaan Soomaaliya iyago maalin kasta sameeya duulimaadyo sahan ah.

Mareeykanka ayaa sanado badan waxa uu duulimaadyo sir ah kawadaa soomaaliya isagoo adeegsanaya diyaaradaha Drones-ka taasoo qeyb ka ah howl galo uu kula dagalamayo waxa uu ugu yeeray argigixisada,kooxda Shabaab oo xukunta qeybo badan oo kamdi ah Soomaaliya ayaa waxay dhowaan ku dhawaaqday ineey kamid noqotay ururka Al-qaacida.

Inkastoo uu mareeykanka howlo sir kawaday soomaaliya mudooyin farabadan ayaa hadane maalmo kahor madaxweynaha mareeykanka Brack Obama waxa uu ku dhawaaqay markii ugu horeesay “in ciidamada qaaska ah ee mareeykanka iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay howlgalo toos ah oo lagu baacsanayo madaxda Al-shabaab kabilaabayo soomaaliya sidookale waxa uu qarashaad farabadan dul dhigay madaxda Al-shabaab”.
Mareeykanka ayaa hadda saldhigyo milatari waxa uu kuleeyahay dalalka Eithopia.jabuuti iyo jaziirada Seychelles sidoo kale waxa uu kuleeyahay badweynta india.

Mareeykanka oo ciidamo uso diray Somalia 1993 ayaa ku fashilmay kadib markii 2kamid ah diyaaradihiisa dagaalka ee helicobtarka loga so riday ka gadaal dagaal uu lagalay hogaamiye kooxeedkii geeriyooday ee Ceydiid, sidookale waxaa laga dilay 18 kamid ah askartiisa, waxana dagaalkaas logu magac daray “Black Howk Down”.

Waxaa xusid mudan in sanadihii ugu danbeeyay qeybo kamdi ah ciidamada gaarka ah ee mareeykanka iyo kuwa sirdonka ay howlo aad uxoogan kawadeen Somalia,kuwaasoo doonaya ineey soo badbaadiyaan muwaadiniin udhalatay mareeykanka sidookale waxay dagaal kula jiraan Al-shabaab.

Siidokale mareeykanka waxa uu maalmo kahor ku dhawaaqay in 8kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheen uu ugu deeqay AMISOM qaasatan ciidamada Kenya ee hada kusugan kofurta soomaalia, kuwaasoo loogu talagalay ineey soo sahmiyaan meesha ama goobta ay jogaan madaxda Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here