QM oo ka walaacsan xiisadaha ka taagan Taleex

QM oo ka walaacsan xiisadaha ka taagan Taleex
Danire Key oo ka walaacsan xiisadaha ka taagan Taleex

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa maanta walaac ka muujiyay xiisado colaadeed oo ka jira gobolka Sool iyo muranka ka dhashay ciidamo ka kala socda maamullada Somaliland iyo Puntland oo gacan ku haynta gobolka isku haya.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska danjiraha ayaa loogu soo jeediyay dhinacyada inay deggenaansho iyo dulqaad muujiyaan oo aanay ku kicin ficillo keeni kara dagaal, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaboojiyaan xaaladda.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inay maamulladu khilaafkooda ku xalliyaan si ay u ku dheehan tahay xasillooni, nabad iyo tanaasul. “Dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in ku filan, waxayna og yihiin inaan wanaag lagu gaareyn dagaal” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Wuxuu sheegay in xafiiska UNSOM iyo bulshada caalamka ay diyaar u yihiin inay dhinacyada is haya ka taageeraan wixii dhexdhexaadin ah.

Ciidamo taabacsan maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay shalay gaareen degmada Taleex ee gobolka Sool oo xarun u ah maamulka Khaatumo.

Nicholas Ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here