QM oo ka hadashay shirarka ka socda Baydhabo

QM oo ka hadashay shirarka ka socda Baydhab
QM oo ka hadashay shirarka ka socda Baydhab

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa markii ugu horaysay ka hadalay xaalada ka taagan magaalada Baydhabo oo ay ku loolamaayn dhinacyo iska soo horjeeda oo mid kasta uu doonayo in maamul goboleed uu dhiso.

Qolooyinka ku shirsan xarunta ADC waxay ku han weyn yihiin inay dhisaan maamul goboleed ka kooban 6 gobol halka qeyb kale oo iyaguna ku shirsan hoteel bakiin ay ku mashquulsan yihiin dhisida maamul goboleed ka kooban 3 gobol.

Dowlada Somalia ayaa Bishan dhexdeeda wafdi wasiiro ah usoo dirtay magaalada Baydhabo kuwaas oo la soo indha indheeyay labada shir ee iska soo horjeeda ee ka socda Baydhaba.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo wafdigan hogaaminayay aya markii uu ku laabtay magaalada Muqdisho sheegay in dowladu aysan aqoonsanayn shirarka ka socda Baydhaba balse hadii ay wax ku heshiiyaan ay dowladu dhagaysan doonto.

Maanta waxaa arinta Baydhaba ka hadlay Nicholas Kay oo sheegay inuu si hoose ula socdo dedaalada lagu doonayo in Baydhabo wax la isku waafaqsan yahay kasoo baxaan.Wuxuu ergaygu sheegay in loo baahan xikmad iyo maskax dagan qarmada midoobayna ay arintan kala hadlayso IGAD iyo AMISOM in dedaaladaas ay socdaan.

Khilaafka ka taagan magaalada Baydhaba ayaa laga cabsi qabaa inuu isu badalo gacan ka hadal hadii aysan labada dhinac ee iska soo horjeeda wax ku heshiinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here