QM oo ka digtay xaaladaha dadka ku nool goobaha lagu dagaalamayo

QM oo ka digtay xaaladaha dadka ku nool goobaha lagu dagaalamayo
QM oo ka digtay xaaladaha dadka ku nool goobaha lagu dagaalamayo

Qaramada Midoobay ayaa ka dayrinayso xaaladda degaannada ay ka socdaan dagaallada ay AMISOM kula wareegayso magaalooyinka ay Al-Shabaab ka taliso.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday weeraro ay ku qabsanayeen degaano ay gacanta ku hayso Alshabaab. Waxa ugu dambeysay magaalada Buulobarde oo ay shalay la wareegeen.

Hey’adda UNOCHA ayaa warbixin ay ka soo saartay Nairobi ku sheegtay in ay adagtay siddii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool goobaha ay ka socdaan dalkaas.

Warbixin UNOCHA ayaa lagu sheegay in dad ku dhow afar Milyan oo qof ay soo wajihi karto dhibaato dhinaca aadanaha maadama halkaas ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac iyo Al-Shabaab.

Waxaa laga deyriyay in goobaha dagaalada ay ka socdaan in ay ka dilaacaan macluul iyo nafaqo daro soo wajahda carruurta ku dhaqan goobaha dagaalada ay ka socdaan.

Hey’addu waxa ay sheegtay in dad badan oo ku noolaa goobaha lagu dagaalamay in ay ka soo carareen oo ay soo aadeen magaalooyin ay ka mid tahay Beydhabo.

Ugu dambeyn hey’adda OCHA ayaa sheegtay in ay yar tahay xogta ay ka heyso xaalada goobaha lagu dagaalamayo iyadoo xilligan ay tahay xilli abaar ah laguna jiro bisha Marso oo ah bil aad u kulul.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here