QM oo cambaaraysay dilka xildhaan Mursal

QM oo cambaaraysay dilka xildhaan Mursal
QM oo cambaaraysay dilka xildhaan Mursal

Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay dilka loo gaystay xildhibaan Cabicasiis Isaaq Mursal oo ah xildhibaankii labaad ee la dilo muddo 24 saacadood ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka loo gaystay Mursal.

Dablay hubaysan ayaa Muqdisho ku dishay xildhibaanka, waana xildhibaankii labaad oo la dilo muddo 24 saac gudahood ah.

Xildhibaanka ayaa la dilay kaddib markii la soo weeraray gurigiisa oo ku yaallo degmada Dharkeenley.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka xildhibaanka, waxayna sheegeen inuu farriin u yahay shirka looga hadlayo ammaanka ee Muqdisho ka socda.

Shirka ammaanka ee Muqdisho

Dilkan ayaa imanayo iyadoo maalin ka hor la dilay xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino ayaa isaguna lagu dilay Muqdisho halka mid kalena la dhawaacay.

Qaraxa lagu dilay xildhibaan Riino ayaa ka dhacay dibadda hoteel ku yaala degmada Xamar Weyne iyadoo saraakiisha boolisku sheegeen inay baarayaan.

Dilalkan ayaa imaanaya iyadoo maalintii saddexaad uu galay shir ka socda Muqdisho oo looga hadlayo amniga Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb galayaan khubaro ka kala timid gudaha iyo dibada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here