QM iyo Britain oo si wadajir ah u Canbaareeyay weeraradii shalay Muqdisho ka dhacay

War laga soo saaray xafiiska Ergayga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augostine Mahiga, ayaa lagu sheegay in QM ay si weyn u canbaareyneyso weeraradi shalay lagu qaaday dhismaha Maxkamada gobolka Banaadir.

Sidoo war laga soo saaray xafiiska wasiirka arimaha dibada dalka Britain William Hague ayaa si xoogleh u canbaareeyey weerarkii maanta kooxda al-Shabaab ku qaadey Xarunta Gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u canbaareynayaa, weerakii maanta ee argagisixsnimo ee Muqdisho ka dhacay. Waxaa shucuurtayadu la jirtaa qoyasasii dhibbanaha ku noqdey weerarkaas. Soomaaliya waxay muddo dheer ku soo jirtey khilaaf iyo iska hor-imaadyo. Weerarka argagixisnimo waxa uu dhibaatada ku dheerayn shacabka Somaaliyeed”
William Hague

Xogayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa war-saxaafadeedkiisa ku yiri:

“Dalkeyga Britain iyo Beesha caalamka, sida aan aragney anaga oo ah Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Wershadaha ku hormarey ee la isku yiraahdo G8, waxaan heshiis ku nahay taageerada shacabka Soomaaliyeed, si ay u samaystaan nabad, waxaan kala shaqeyneynaa amniga iyo horumarka, kuwa ka masuulka ah weerarkaas, waxay muteysteen in caddaaladda la horkeeno ayuu yiri William Hague.

Weerarkii kooxda al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxaa ku dhintey 34 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 qof, waa weerarkii u xumaa ee waayadan ka dhaca Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here