Qiso Naxdin leh: Dad aanan la aqoon oo ku saxarooday Kitaabka Qur,aanka Kariimka ah 3 masaajid oo ku yaala Muqdisho

Todobaadkan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday arinti ugu xumeyd ee lagula kaco kitaabka Qur,aanka Kariimka ah taariikhda inta la xasuusta gudaha dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Culuma,udiinka degmada Wadajir ayaa xaqiijiyey in sadex ka mid ah masaajidada degmadaasi lagu arkay kitaabo Qur,aan oo qaar la jeex jeexay qaarna lagu saxarooday, kadibna lagu daadiyey musqusha ama suuliga.

Sheekh C/risaaq Cumar oo ka mid ahaa culimadi soo arkay ayaa isaga oo aad uga naxsan arintaasi kana murugeysan u sheegay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo la yiraahdo Radio Risaala in ay kasoo saareen musqulaha sadex masaajid qeybo ka mid ah masxafka shariifka ah ee Kitaabka Qur,aanka Kariimka ah.

Sheekha ayaa tilmaamay in iyaga oo koox ah ay dhaqeen kitaabadaasi iyo bogag ka mid ah qur,aanka oo inta la jeex jeexay lagu daadiyey godka musqulaha ama suuliga qeybta lagu saxaroodo, taasi oo ah meel ka dhaci iyo gafki ugu weynaa ee gudaha Soomaaliya loogu geysto kitaabka Qur,aanka Kariimka ah inta la xasuusto.

Masaajidada ay ka dhaceen dhacdooyinkan ayaa kala ah Masjid Fatxu Raxman, Masjid Al Catiiq, iyo Masjid Faatux, waxaana culimadu ay sheegeen in dhacdadan ay ku beegneyd 10-ki bishan March sanadkan 2012.

Sheekh C/raxmaan Yusuf Jarane oo ka mid ah culuma,udiinka ugu caansan Muqdisho ayaa ku sifeeyey arintaasi mid diinta loogaga baxay, waxaana uu la masalay kuwi ka danbeeyey falkaasi sidi Fircoon iyo Abu Jahal oo ahaa gaaladi ugu waaweyneyd ee soo dhibtay diinta ALLE.

Waxa uu sheekh C/raxman uu ALLE ka baryey inuu fadeexeeyo oo uu banaanka soo dhigi kuwo ka danbeeyey dhibaatada xun ee loo geystay Kitaabkeena sharafta leh ee ka kooban kalaamka iyo hadalada ALLE.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu murugada badneyd uguna naxdinta badneyd ee meel ka mid ah magaalada Muqdisho ama dalka Soomaaliya loogu geysto kitaabka Qur,aanka Kariimka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

4 COMMENTS

  1. inaalilaahu wa inaali raajucuun waa qiso naxdinleh ilaahay kuwa waxaa sameeyay calaamo dadku ku gartaan ilaahay kamuu ji aamiin xasbunalaah wanimco wakiil

  2. Asc dhamaan umada islaamka ah waan ka xumanahay hadaanuna nahya umada islaamka waana wax laga xumaado qofti falkaas ku kacay oo ihaaneestay kutubka quraan ka kariimka allaha ku ihaaneeyo aduun iyo aqaaro waana ihaanoobay inshaa allaaah

  3. Asc walala yaal waa arin laga xumaado oo lagadhidhiyo in kitaabkii alle nosodajiyay lagu saxarodo anagoo 100% muslim ah war saas muslinimo maaha ee wa gaalnimo ee yaan layareysan oo qof walba oo muslim ah ha mujiyo caradisa waxana leeyahay ilaahey swc calaamo haka soo saaro asc

    • Asc dhamaan umada islaamka ah waan kaxumanahay hadaa nahay dad islaamka ah waana wax laga xumaadoo oo laga anfariiro cid ku kacday falkaas oo ku iheeneesatay musxaaful quraan waxaan leenahay allaha kuu duleeyo isdi aad uduleesatay musxafka aduun iyo aakhiroba

Comments are closed.