Qiso Cajiib ah: Farhia oo aabaheed la kulantay 40 sano kadib

p03z1gsmDagaalkii u dhaxeeyay Soomaalida Ogadenia iyo Itoobiya, ayaa saameeyn xun ku yeeshay Farhia oo ah Gabar Soomaaliyeed oo ay iska dhaleen Aabe Soomaali ah iyo Russian ah. Farhia ayaan Aabaheed indho saarin mudo 40 sano ah, kadib markii ay Russia go’aansatay ineey garab istaagto Doowlada Itoobiya dagaalkii 1977 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Xabashida.

Soomaalidii xiligaas ku noolaa dalka Russia, ayaa markii uu dagaalka bilaawday gabi ahaanba isaga soo baxay dibna ugu soo laabtay dalkoodi Soomaaliya.

Halkaan ka dhagayso wareysi ay Farhia siisay BBC-da oo luqada Ingiriiska ku baxayay:

Markii uu Aabaheed kasoo tagayay Ruushka Farhia waxeey ahayd Gabar yar oo saqiir ah, waxaana fashilmay isku dayo badan oo ay dooneysay ineey kula xiriirto.

Ugu dambeyn Farhia ayaa isbuucyo kahor 40 sano kadib la kulantay Aabaheed, waxeeyna ugu tagtay Magaalada Oslo oo uu hada ku noolyahay.

Farhia ayaa markii ay la kulantay aabaheed Instagramkeeda soo dhigtay Sawirka iyagoo isla jooga, waxaana sheekadaas ay qabsatay Baraha Bulshada ee Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here