Waxaa hada dib u bilowday gelinki labaad ee kulanka finalka koobka degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku hardamayaan galabta xulalka Yaaqshiid iyo Dharkeenleey.
CIyaarta oo kaambiyadi hore lagu kala nastay 1-0 ayaa hada ku bilaabatay weerar iyo weerar celis.
Goolka oo dhashay daqiiqadi 35-aad ee ciyaarta gelinki hore ayaa waxaa dhaliyey weeraryahanka xulka Dharkeenleey C/qaadir Maxamed Xasan oo u qaata xulka nambarka 10-aad, waxaana wali labada xul ay isku hayaan gumaad iyo in ay isa sigaan.
Waxaa xusid mudan in ay daawanayaan kumanaan kun oo ruux iyadoo dadka aanan fursada u helin ee magaalada Muqdisho ay kala socdaan idaacadaha Muqdisho oo toos u tabinaya.
Wixi ku soo kordha kala soco Midnimo.com