Qeybta 1aad Sheekada shakigu waa burburiyaha qoyska

sheekoAkhristayaasha sharafta badan waxaan jecelahay inaan u soo bandhigo sheeko xiisa badan oo ku saabsan dhibaatada ka dhalan karta  kalsooni darada soo wajahda qoysaska is qaba ama lamaanaha jacayl wadaagga ah ee uu ka dhexeeyo  xiriirka ku saleysan guurka.

Is ixtiraamidda is xushmaynta iyo kalsoonidu waxay kobciyaan isla markaana  adkeeyaan xiriirka iyo dunta isku xirta lamaanaha, waa hubaal in hadii lamaanuhu adkeeyaan isu kalsoonaantooda iyo is aaminiddoodu in ay ka badbaadi karaan fashil ama bur bur ku yimaada jacaylkooda.

Waxaa igu dhaliyay run ahaantii in sheekadaan aan soo bandhigo kadib marki aan arkay qoysas fara badan oo Soomaaliyeed kuwaaso ku burburaya wax aan micno lahayn iyo waliba dhinaca kale lamaanayaal badan oo iyaguna kalsooni xumo darteed ku kala irdhoobay , haddaba sheekadaan waxaan filayaa in ay wada anfici doonto dhammaan qeybaha bulshada gaar ahaan dadka uu ka dhexeeyo xiriirka guurka iyo kuwa qoysku ka dhexeeyo, qeybta 1aad ee sheekadaan oo aan ugu magac daray Shakigu waa bur-buriyaha jacaylkana waxa ay ku billaabanaysaa.

Sheekada ayaa ku billaabatay :Waa  saqdii dhexe  saacaddu  waxay ka  sii siqeysaa  1dii  iyo barkii  habeennimo,  Saalax  waxaa u u ku kacay dawanka  ama  codka teleefank  markiiba  waa uu  istaagay si uu uga jawaabo taleefanka,hase yeeshee markii uu yiri  Helo….. cid la hadashay ma jirin Helo… Heloooo..inta yiri ayaa markii uu waayay cid u jawaabta ayuu  intuu dib u majiirtay sariirtiisii ku laabtay, mar kale ayaa  taleefankii soo dhacay, misana waa laga aamusay sidiiyoo kale  mar saddexaad markii uu soo dhacay teleefanka cid la hadashana uu waayay ayuu goostay inuusan mar kale u istaagin,qiyaastii saacad ka dib ayaa misana talefankii soo dhacay Saalax waa uu maqlayay hase yeeshee waxaa uu goostay inaanu mar dambe u istaagin, haddii cabbaar dhacayo taleefanka ayaa waxaa soo istaagtay Saara oo ahayd xaaskiisa, markiiba waxay qabatay taleefanka, “Wacaleykuma salaam “ayay tiri, Saalax waa uu maqlayay dawanka taleefanka hase yeeshee waxaa uu iska dhigay qof hurda oo waa hore  gam,ay, isma nuux nuuxin waxaa uu dhegta u taagayay ruuxa caawa isaga ku dhageysanayay taleefanka ee haatan la hadlaya xaaskiisa,si fiican ayuu dhagaha ugu taagay xaggii taleefanku ka jiray hase yeeshe isma nuuxin waxaana uu madaxa kula jiraa go,a isagoo u muuqda qof hurda weyn ku dhex jira,v”waan fiicanahay  walaal waa  kuma  adiga  ayay  tiri  Saara????…….  oo  la  hadleysa  ruuxii  taleefanka  u soo diray  xilligaas ” cabbaar ayay  aamustay  ma jirin w ax hadal  oo afkeeda  ka soo baxay,  waxaa  ay  dhagaysanaysay  hadallada  qofka taleefanka  kala  hadlayay,  taleefanku  waxaa  uu  ahaa  taleefanadii  hore ee  ay farsameysay  Hindiya  ee qeylada  dheeraa   si toos  ah ayaa  loo maqlayaa  codka  ruuxa  k a soo hadlaya  taleefanka  taasoo  ay  waliba saacideysay  xilliga  oo  ahaa xilli  habeen  bar  ah jawiguna ahaa  mid  degan  oo aanu jirin  wax jabaq ah,

“Garamella ruuxa kula hadlaya waa magdi aniga miyaadan codkeyga fahmeyn maxay tahay sida aad iila dhaqmeyso  abaabyo  macaan  waan  imid  magaalada  kaddib  safar dheer  oo aan ku maqnaa  aad ayaan  kuu tabay wey kuu xiistay naftayda waan ku   waxaan  ku faraxsanahay inaan mar kale  maqlo  codkaaga  caawa  waa habeen  runtii xusuusteyda baal dahab ah ka galaaya maaddaama aan maqlay codka ruuxii aan dunida ugu jeclaa oo aan in muddo ah maqlin,  hadalladaas o xiriir ah ayuu israaciyay  ruuxii taleefanka ka soo hadlayaay  si  saani  oo  nadiif ah ayuuna  u  maqlayay  Saalax   dhammaan  hadalladaas, ” Saara dareentay in ruuxa la hadlayaaa  uu  yahay  Magdigii  ay saaxiibada  ahaayeen  ee sheekada  macaanaa  in badanna ay aad u jeclayd sheekadiisa iyo hadalkiisaba, hase yeeshee wax badan baa is baddalay hadda waa qof xaas ah  waxaa uu ogaa iyadoo madax banaan ah, “waan ku gartay Magdi i maqal aboowe aniga waxaan noqday xaas dhawaan ayaa la iguursaday haddadan aan kula hadlaayo waxaan joogaa guriga ninkayga ma garatay marka  waxaan rabaa inaan kuu sheego in jacaylkeenii dhammaaday maxaa yeelay waxaan noqday ruux la qabo oo xaas ah ma i fahantay Magdi ayaay tiri Saara!!!!” ayay Tiri Saara oo indhaha ku soo taageysa dhankii uu jiifay ninkeeda, iyadoo aad uga baqeysay in uu maqlo hadalladeeda…. ” ma i maqleysaa Caramella aniga wali waxaan kuu jecelahay sidii aan kuu jeclaa nafteyda waxay kuugu baahantahay sidii ay kuugu baahnayd iyo ka badan…… waa socotaa…. ………….

la soco qeybta kale iyo Jimcaha Insha allaah…

W/Q: Abdisamad Abdulkadir Farah(Hanad)

 Skype/abdisamad.farah2

Cabdisamad111@gmail.com

+254704124078

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here