Qeybo kamid ah Suuqa Arjantiin oo la bur buriyay

Qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Arjantiin ee degmada Kaaraan, ayaa waxay ka cabanayaaan bur burin lagu haayo sandaqadaha ganacsi ee ay halkaasi ku leeyihiin.

“….Anagoo ah ganacsatada suuqa Arjantiin waxaan ka cabaneeynaa shaqsiyaad duminaya ganacsigeena iyo hantideena, 30 sano ayaan halkaan ku ganacsaneeynay..” sidaa waxaa yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa Arjantiin.

Ganacsatadaan ayaa doowlada Soomaaliya ka codsaday ineey soo faragaliso arimahan, waxna ay ka qabato.

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa waayadaanba waxa uu bur burin ku haayay qaybo kamid ah Suuqyada Muqdisho oo sharci darro loo dhistay xiliyadii bur burka.

Maamulka gobolka, ayaa horay sidaanoo kale bur burin ugu sameeyay Suuqyada Bakaaraha, Suuq-bacaad, X/weyne iyo suuqyo kale.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here