Qeybaha Ururada Bulshada rayidka oo ka hadlay isku biirida Al-Shabaab iyo Al-Qaacida

Kulan ay ka qeyb galeen Qeybaha Ururada Bulshada Rayidka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay isku biiridii Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo waxyaabaha ay soo kordhin karto.

Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD oo soo qaban qaabisay kulankan ayaa ka qeyb galayaasha oo isugu jiray, Odayaasha dhaqanka, waxgarad, culumaa’udiin, dhalinyaro, haween ay kaga hadleen is bedelka xilligan keenay in Al-Shabaab ku biirto Al-Qaacida.

Islow Maxamed Yuusuf Cali oo ugu horeyn furay kulankan ayaa sheegay in isku biirida Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ay aheyd arrin markii hore hubneyd oo hada soo baxday, isagoo ugu baaqay Caalamka inuu soo eego is bedelka ka jira Soomaaliya.

Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa sheegay in isku biirida Al-Shabaab iyo Al-Qaacida aanay waxba soo kordhineyn, balse uu yahay dhib ay kororsadeen.

“Isku biiridooda waxba sooma kordhineyso, inay dhib u ziyaadiso mooyee, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyed inay u midoobaan, sidii loola dagaalami lahaa, dhalinyaradii ay marin habaabiyeen inay ka soo baxaan, xilligooda waa dhamaaday, dadka Soomaaliyed maanta waa is doontay, waxaan caalamka ugu baaqayaa inay aysan saddex iyo hal midna u dilin ee dhamaan la wada laayo”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor.

Sidoo kale C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa ugu baaqay shacabka inay isu diyaariyan sidii loola dagaalami lahaa, waxaana uu u mahad celiyay Hey’adda CCD ee soo qaban qaabisay kulankan oo uu tilmaamay inay taariikhda geli doonto.

Gudoomiyaha Ururada Bulshada rayidka deegaanada Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in markii hore Shabaab iyo Al-Qaacida ay isku xirnaayeen, isla markaana ay keentay tabar dari markii ay isku xirnaan jireen.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka deegaanada Banaadir inay u midoobaan sidii loola dagaalami lahaa, deegaanadeena looga sifeyn lahaa, hadii ay isku dayaan inay ku soo dhuuntaan”ayuu yiri Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax.

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka bulshada CCd Ciise Axmed Cumar ayaa sheegay in taariikhda Soomaaliyed ay soo martay gumeystayaal, isagoo tilmaamay in markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii si la mid ah haatan loogu baahan yahay in looga dhiidhiyo.

“1960-kii markii aan qaadanay Xornimada, waxaa ka dhiidhinay gumeystayaal kala duwan, sida Hogaamiye kooxeedyadii, kala qeybsanaan dhexdeena geliyay, hadana waa inaan ka dhiidhinaa, oo aan meel uga soo wada jeesanaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar.

Sidoo kale Mr Ciise ayaa sheegay Al-Shabaab aanay ku biirin Al-Qaacida, balse ay isku dhiibeen, isagoo xusay markii ay arkeen inay tabartooda yaraatay ay keentay inay aadaan, si ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimaadeen, isla markaana shacabka kaco, sidii looga dhiidhin lahaa cadawga Soomaaliyed.

Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in hadii Gumeystayaal lala soo diriray loo baahan yahay in Gumeystayaasha cusub lala dagaalamo, isagoo ku baaqay in shacabka ay qaataan Midnimadooda, si loo abuuro fursad dib loogu midoobo in loo ciribtiro Argagixisada Caalamka.

Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah Haweenka Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanada Banaadir ayaa sheegtay in ku biiritaanka Shabaab ee Al-Qaacida ay tahay mid muujineysa in Shabaab xilligooda dhamaaday.

Sidoo kale Sheekh Axmed Abukar Gaabow iyo Abukar Gadaf ayaa sheegay in sida kaliya ee looga hortagi karo ay tahay in shacabka midoobo, waxaana ay ku baaqeen in haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha ay qaataan midnimadooda.

Gudoomiye kuxigeenka Dallada Ururada Bulshada rayidka Maxamed Cabdi Shido ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyed looga baahan yahay inay muujiyaan isu soo bax ay uga dhiidhiyaan, Al-Qaacida iyo wax kasta ee qaranimada Soomaaliya ka soo horjeeda.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee qeybaha kala duwan ee bulshada ay isugu yimaadaan kaasoo ay uga hadlaan isku biiridii Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo waxyaabaha ay soo kordhin karto, iyadoo dhamaan qeybihii bulshada ee ka hadlay ay cadeeyeen in aysan waxba soo kordhin doonin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.