Qaybtii labaad ee adeega fiper optic dhageyso

C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn).
C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn).

Qaybtii labaad ee  barnaamijka Adeega Internetka xawaarihiisa dheereeyo  (Fiper Optic) ee dhawaan Muqdisho ka howlgeli doono ayaa waxaa ka war bixiyaya Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta  C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn).

Cabdulqadir Jaahweyn oo wareysi siiyaya Radio Bar Kulan ayaa wuxuu sheegay in dhawaan Muqdisho laga bilaabi doono adeega Internetka xawaarihiisa dheereeyo  ee  Fiper Optic loo yaqaano, howl gelinta adeega internetka ayaa waxey mareysaa gabgabo.

Dhawaan ayaa  lagu baahin doonaa magalada Muqdisho kadib markii la dhameeyaya xaruntii laga howl gelin lahaa adeegaas, Cabdulqadir Jaahweyn oo ah aqoon yahay bartay Isgaarsiinta ayaa wuxuu sheegay in shirkado badan oo Afrikaan ah ay ku mideysan yihiin xariga Fiper Optic kaas oo laga soo jiiday Koonfur Afrika lana soo marsiiyaya dhanka badda, wadamada uu soo marana looga sameeyaya xarumo laga sii qaybiyo oo ay ka mid tahay xarunta Mombaasa ee dalka Kenya, Soomaliyana waxaa xarun u ah Muqdisho.

Cabdulqadir Jaahweyn ayaa wuxuu sheegay in adeegan ganacsatada, dadweynaha iyo dhamaan bulshada oo dhan ka faaideysan doonto, qiima dhimisna ku sameyn doono isgaarsiinta iyo isticmaalka Internetka, Internetkan ayaa xawaarihiisa aad u dheereyaa waxaan aad looga isticmaalaa dunida inteeda badan.

Cabdulqadir Jaahweyn ayaa wuxuu kaloo sheegay in Soomaliya ay u qaabilsan tahay shirkadaDalkom adeega internetka ee Fiper Optic how gelintiisa.

Wareysiga oo Dhinacyo Badan Taabanaya Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here