Qaxootiga Soomaaliyeed ee u carara Yeman oo sii yaraanaya

Hay’ada qaxootiga QM ee UNHCR ayaa sheegtay in tiradii ugu yareyd ee qaxooti Soomaaliyeed mudo 15 sano ah ay sanadkii lasoo dhaafay soo galeen dalka Yeman, taas oo badalkeeda ay sheegeen ineey korortay qaxootiga ka’imaanaya dalka Ethiopia.

Sanadkii lasoo dhaafay Soomaalida tahriibka Yeman kusoo gasho ayaa noqday kuwii ugu yaraa mudo 15 sano ah, waxaana si taas ka duwan sara ukac ballaaran laga dareemay tahriibayaasha Ethiopianka ah ee kazoo amba qaada qaybaha wadanka Soomaaliya.

Tirakoobkan waxaa si rasmi ah u shaaciyay hay’ada UNHCR ee qaxootiga aduunka, waxayna xustay in sanadkii 2012 uu ahaa mid hoos udhac aad ubaahsan laga dareemay qaxootigii Soomaalida ahaa ee isku soo shubi jiray xeebaha wadanka yeman.

Sanadkaasi waxaa dalka Yeman gaaray qiyaastii 100,000 oo tahriibayaal ah, kuwaasoo Soomaalidu wax kayar 5% ka ahayd, halka inta soo hartayna ay ahaayeen Ethiopian.

Yuusuf Diiriye Koogaar, oo ah gudoomiyaha gudiga qaxootiga Soomaaliyeed Yeman ayaa tilmaamaya in sababaha ugu ballaaran ee isbadalkaasi keenay daganaashaha laga dareemay qaybo kamid ah Soomaaliya iyo halis xoogan oo ay tahriibayasha waajahaan marka ay Yeman gaaraan, kuwaasoo afduub kufsi iyo dilba isugu jira.

Bishii February ee sanadkii 2011 waxaa Yeman ka qarxay dibad baxyo ay dagaalo ku lamaanyihiin, kuwaasoo qalqal galiyay daganaashaha dalka waxaana Jira Soomaali boqolaal ah kuwasoo ku saamoobay xiisadahaas, taasina waxa ay keentay in tahriibayaashii uu hunguriga ka hayay ineey Yeman yimaadaan, ay inbadan tallabadaas dib uga laabtaan.

Waxaa kaloo dhacdooyinkaas la socday shaqo la’aan baahsan oo iska daaye ay dadkii dalka u dhashtay kuleelkeeda dareemeen.

Kasokoow tirakoobkan ay UNHCR soo saartay waxaa hoos u dhaca ku yimid tahriibayaasha Soomaalida sanadkii naga tagay laga dareemay goobaha ay Soomaalida marka ay Yeman soo gaaraan lama huraanka tahay ineey booqdaan, sida xaafada Basaatiin, ee magaalada Cadan.

Lama qiyaasi karo in arintaan ay soo laaban doonto marka uu dhamaado sanadkan aynu ku jirno, hase yeeshee labadii bilood ee ugu horeysay waxaa muuqatay in iska daay dad badan oo Yeman gaaree balse ay kumanaan horay ujoogay u xirxirteen Safar noqosho ah oo ay ku tagayaan wadankoodii hooyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here