Qaxooti Soomaaliyeed oo dib u dejin loogu sameeyey dalka Denmark

Wararka ka imanaya jasiirada Malta ayaa sheegaya in toddobo qoys oo Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Malta in loo oggolaaday in ay ku noolaadaan dalka Denmark.

Dadkan Soomaalida ah oo la sheegay in ay ka mid yihiin hal qoys oo shan ruux ka kooban iyo labo ruux oo kale ayaa hore waxa ay si ku meel gaar ah ugu noolaayeen Jasiirada Malta.

Qoysaskan dib u dejinta loo sameeyey ayaa waxa ay ka dhigeysaa tirade guud ee tan iyo sanadkii 2005tii ka tagtay Malta dib u dejina loogu sameeyey wadamo kale illaa iyo 1,737.
Xafiiska ay hay’adda qaxootiga u qaabilsan caalamka ee UNHCR ay ku leedahay dalka Malta iyo ururka kale ee IOM iyo xukuumada Denmark ayaa dadaalo ay sameeyeen kadib waxaa qoysaskan u suurtogashay in ay fursad u helaan inay ku noolaadaan dalka Denmark.

Kumanaan ruux oo Soomaali ah oo ka carartay dagaalada ka dhacaya wadankooda ayaa iska dhiibay jasiirada Malta kadib markii ay halkaas ku gaareen dooman ay ka soo raaceen wadanka Libya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here