Qasaaraha ka dhashay weerarki Gaarisa oo sii kordhaya

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay weerar ay xalay dableey hubeysan ku qaadeen laba baar oo ku taala magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyibari Kenya.

Afar ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki rasaas iyo bambo gacmeed lagu weeraray goob ay dad badani ugu dabaal dagayeen munaasabada sanadka cusub xalay saqdi dhexe.

Wararki saakay aanu ka helnay Gaarisa waxay sheegayeen in dhimashada ay aheyd laba ruux, hase yeeshee wariyaasha ayaa soo sheegaya in tirada ayba hada gaartay shan ruux oo dhimasha.

Dadka weerar soo qaaday ayaa iska soo dhigay dad u dabaal dagaya xaflada sanadka cusub, balse waxay labadaasi ruux oo watay baabuur ay rasaas fureen iyadoo goobtana ay ku dhinteen laba.

Taliyaha ciidanka booliska Garissa Felix Mnyandu ayaa sheegay in shilkaasi aanan cidina loo xirin.

Gaarisa oo ay ku badanyihiin dadka Muslimiinta Soomaalida ayaa ah caasimada gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana ay 100 kilometres u jirtaa xadka Soomaaliya, halka xerada Dhadhaab ay u jirto 70 kilometres.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.