Qasaaraha ka dhashay dagaalada ka socda duleedka Muqdisho iyo dowlada oo guula ka sheegatay

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaalo culus oo wali ka socda deegaanada u dhaxeya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye

Inta la ogyahay 4 ruux ayaa ku dhimatay 12 kale oo isugu jira ciidamada dowlada, Amisom iyo saxafiyiin-na way ku dhaawacantay dagaalka oo xoogiisa haatan ka socda deegaanada ka waqooyeeya jidka laamiga ah ee aada Ceelasha Biyaha.

Wariyaal tagay deegaanka Garasbaaleey ayaa sheegay in arkeen dhaawaca askari ka tirsan Amisom, askar ka tirsan milatariga dowlada iyo sawir qaade lagu magacaabo Cali Muse Abayle oo ka tirsan telafashinka Royal TV.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowlada, G/sare Cabdulaahi Cali Caanood oo shir jaraa,id ku qabtay degmada Daayniile ayaa sheegay in ciidanka dowlada oo kaashanaya ciidamada Burundi ay qabsadeen deegaanada Km-13 iyo Garasbaaleey.

Sidoo kale abaanduulaha ciidanka milatariga Soomaaliya, Gen. C/kariin Dhagabadan ayaa u sheegay warbaahinta ay haatan ku wajahanyihiin deegaanka baaxada weyn ee Ceelasha Biyaha oo ka mid ah meelaha ay ugu xooga badanyihiin Al Shabaab.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in la fashiliyey duulaan ay AMISOM iyo ciidamada dowlada ku qaadeen daagaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalada ayaa wali socda waxaana la maqlayaa madaafiic iyo rasaas.

Kala soco Midnimo.com wixi kusoo kordha dagaaladaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.