Qarmada Midoobay oo cambaareysay qaraxyadi shalay Muqdisho ka dhacay

Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso ayaa si weyn u cambaareysay qaraxyadi shalay lagu weeraray hotel uu Muqdisho ka daganaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmud.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambashador Mahiga ayaa ku tilmaamay weerarki shalay mid aad loogaga xumaado isla markaana uu codka ugu adag ku cambaareynayo.

“Isku dayada noocaasi oo kale ah ee lagu rabo in dib loogu celiyo qaski iyo qalalaasihi Soomaaliya ma carqaladeyn doonto go,aanka ay Soomaaliya ku qaadatay in ay horay ugu dhaqaaqdo,” ayuu yiri.

Bayaanka kasoo baxay UN-ka waxa lagu sheegay in sadex nin oo bambooyin isku soo xiray isla markaana soo labistay dareyska ciidamada Dowlada ay isku dayeen in ay gudaha usoo galaan hotelka balse ay dileen ciiamada amaanka,

Waxa bayaanku uu intaasi ku daray in shilkaas ay ku dhinteen 3 askari oo Soomaali ah iyo askari ka tirsan AMISOM.

Al Shabab ayaa sheegtay weerarkaasi, madaxweynaha cusubna wuxuu sheegay in weeraradaasi aysan ka leexin doonin diiradiisa ku aadan horay usii socoshada Soomaaliyada cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here