Qarjab: Qof kasta waa inuu qaato warqadaha dal ku jooga

Wasiirka amniga Qar-jab
Wasiirka amniga Qar-jab

Maamulka Puntland ayaa sheegay dadka ku nool deeganada Maamulkaasi iyo dadka soo galaya intaba in laga doonaayo inay qaataan warqadaha sharciga ah ee dalka ku jooga.

Amarkaan ayaa waxaa soo saaray Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Cali Xersi (Qarjab) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garowe, wuxuuna sheegay si loo xoojiyo ammaanka deeganada Puntland inay muhiim tahay Bulshada inay u hogaansamaan awaamiirta.

Cabdi Cali Xersi Wasiirka Amniga Maamulka Puntland wuxuu tilmaamay dadka reer Puntland iyo kuwa xuduudaha ka soo galaya intaba in laga doonaayo qaadashada Documentiyada sharciga ah ee dalka ku jooga, cidii aanan qaadana tallaabo laga qaadi doono.

“Waxa weeye dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan inay qaataan Documenti dalkooda ku joogaan (Dal ku joogid wax la yiraahdo) dadka soo galaya oo xuduudaha ka soo galaya ama qaxootiga ah ama Puntland imaanaya waa inay noqdaan dadka marka horeysa sharci qaadanaya marka ay yimaadaan, marka ay imaanayaana ku yimaada dad Wakiil ka ah ama damiin ka ah.”Ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland

Bulshada reer Puntland ayaa wuxuu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan ammaanka ciidamada si looga hortago weerarada Shabaabka.

Muddooyinkii dambe Maamulka Puntland waxaa ka soo baxaayay amaro kala duwan oo ku aadan xaqiijinta ammaanka deeganada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here