Qaraxyo xalay lagu weeraray magaalada Baladweyne

Hal ruux ayaa ku dhintay 11 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki laba bam lagu weeraray guriga gudoomiyihi hore ee gobolka Hiiraan oo ku yaala magaalada Baladweyne.

Weerarka oo dhacay fiidki ayaa la sheegay in loo geystay guri uu Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) ku leeyahay xaafada Koodhin, waxaana qasaaraha ka dhashay weerarkaasi intiisa badan sababay rasaas ay fureen ilaalada guriga.

Sida ay sheegayaan dad goob joog ahi, ciidamada ayaa furay rasaas fara badan taasi oo sababtay dhaawaca dad rayid ah, warka ayaa intaasi ku daraya inuu dhintay hal ruux oo ka mid ah ahaa ilaalada oo ay bambada waxyeelo kasoo gaartay.

Xaalada magaalada ayaa saakay dagan, waxaana si caadi ah u biloday isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu horeyey ee magaalada ka dhaca tan iyo marki ay dowlada KMG Soomaaliya u magacawday maamul cusub todobaadkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.