Qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo

Qaraxyo kala duwan ayaa xalay fiidki ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Qaraxi Baydhabo waxa uu ka dhacay xaafada Bardaale kadib marki dad ay ciidanka booliska ku sheegeen in ay ka tirsanaayeen AL Shabab ku tuureen bambo gacmeed guri ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

2 ruux ayaa ku dhimatay hal kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka booliksa ee gobolka Bay, Coll. Mahad C/raxmaan oo saxaafada la hadlay.

“Qaraxa Baydhabo xalay ka dhacay wuxuu ahaa ka dhacay xaafada Bardaale gaar ahaan qeybta cunaaye, waxaa bam gacmeed lagu tuuray guri ay daganaayeen dad rayid ah, waxaa ku dhintay laa ruux,”

Qaraxa kalana waxa uu ahaa mid ciidamo ka tirsan AMISOM xalay maqribki lagula eegtay xaafada Ex-koontarool Balcad ee degmada Heliwaa magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha ka dhashay balse mudo badan oo ay ciidamada jidkaasi xireen kadib ayey isaga dhaqaaqeen goobta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here