Qaraxyo Xalay Gil-gilay Magaalada Bosto ee dalka Mareeykanka

Booliska magaalada Boston gobolka Massachuties ee cariga maraykanka ayaa xaqiijiyey dhimashada laba qof iyo dhaawaca dad ka badan 80 qof oo kale kadib markii laba qarax oo is xiga ay qabsadeen dad badan oo ka qayb-qaadanayey orodka dheer ee Boston Marathon, iyo kuwii u soo daawashada tegay, ddka dhaawacmey ayaa wararku shegayaan in 6 kamid ah xaaladoodu tahay mid aad u liidata, labada qof ee ku dhintey mid kamid ah ayaa la sheegey in uu ahaa wiil 8 sano jir ah.

Sawiro iyo muuqaalo Video ah,oo ay warbaahinta dalka Mareeykanka kasoo gudbinayaan Boston, gaar ahaan halka qaraxyada ka dhaceen, ayaa muujinaya wal wal iyo cabsi kajirta magaalada, waxaana la arkayaa gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaas sii galaya.

“Waxaa dhacay qarax weyn,laakiin ilaa iyo hada ma hayno tirade dhimasho iyo mida dhaawac” ayay tiri afhayeen u hadashay Ciidanka booliska Boston, oo Reuters wareysi siisay.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in qaraxa uu dhacay 3 saac kadib, markii ay Orodyahanada guuleystay ka talaabeen diilinta ugu danbeeysa ee tartanka Orodka.

“Markii aan ka talaabay diilinta ugu danbeysa tartanka, oo aan gadaal fiiriyay, waxaan arkay qarax weyn oo gadaasheyda ka dhacay” ayuu yiri mid kamid ah tartamayaasha Orodka Boston, oo isna wareysi siinayay wakaalada wararka ee Reuters.

Sidoo kale mid kamid ah tartamayaasha, oo wareysi siinayay wakaalada wararka ee AP, ayaa isna sheegay in indhihiisa ay qabanayeen dad badan oo bilqan dhulka, kuwaasoo u muuqday inuu wax yeelo gaarsiiyay qaraxa.

Marathon-ka Boston, ayaa ah mid aad u xiiso badan, waxaana usoo daawasho taga dad weyne aad u farabadan gaarayana kumanaan qof.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here