J/Hoose: Qaraxyo & weerar culus oo lagu qaaday Kulbiyow

Weerar qasaaro geystay ayaa xalay Al-shabaab waxay ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamo taabacsan Al-shabaab ayaa weerar xoogan ka geystay saldhiga Kulbiyow, wax yar kadib salaadii Maqrib ee Xalay, waxayna weerarka kaga soo qaadeen dhanka Bari ee xerada Kulbiyow.

Dagaalka oo muddo socday kadib, waxaa la sheegay in ciidamada Al-shabaab ay markale weerar kusoo qaadeen xerada oo ay wada degen yihiin ciidamada Kenya oo AMISOM ka tirsan iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaalka kadib Al-shabaab ayaa weerar isqarxin ahaa oo loo adeegsaday gaadiid qaraxyo laga buuxiyay waxay labada jiho uga soo qaadeen saldhiga Kulbiyow, arintaasi oo sii kordhisay qasaaraha dagaalka.

Ilaa saaka waxaa go’an isgaarsiintii deegaankaasi oo Al-shabaab ay weerareen, waxaana la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Bishii Janaayo ayay aheyd markii Al-shabaab weerar sidan oo kale ah ku qaadeen xerada Kulbiyow iyaga oo sheegay inay ku dileen 67 askari oo Kenyan ah.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here