Qaraxyo qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Xudur

Wararka kaimanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay ay qaraxyo ka dhaceen magaaladaas kadib markii subaxnimadii shalay ay la wareegeen gacan ku haynteeda ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo dkgaarka ah.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ka dhaceen saldhigga booliska degmada Xudur iyo dhismayaal kale oo la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamada dowlada.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen qaraxyadaas hase yeeshee qaar kamid ah dadka degen magaalada Xudur ayaa sheegay in ay dad wax ku noqdeen qaraxyadan.

Hase yeeshee sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay in aysan geysan wax qasaare ah qaraxyadaas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo dhulku lagu aasay.

Sarkaalka u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay inaysan ku ekaan doonin oo qura degmada Xudur balse guud ahaan gobolka Bakool ay ka saari doonaan ururka Alshabaab.

Magaalada Xudur ayaa labo sano kadib waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Itobiya iyo kuwa dowlada kumeelgaarka ah.