Qaraxyo Maanta ka Dhacay Degmada Gaarisa

Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyoi Bari Kenya maanta waxaa ka dhacay qaraxyo kala duwan oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxii koowaad ayaa ahaa Bambo nooca remuud-ka lagu hago oo lala beegsaday ciidamada GSU-da ee utababaran sida Militeriga oo kale.

Waxaa qaraxaas u dhaawacmay ilaa sedex askari oo katirsan ciidamada lala eegtay qaraxa, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay kusoo xoomay dad badan.

Markii dadka ay kusoo xoomeen goobta ayaa hadana waxaa lagu qarxiyay Miino kale oo la rumaysan yahay in ay meesha ku aasneyd.

Waxaa halkaas ka dhashay dhaawac kale oo gaaraya ilaa 5 ruux oo shacab ah, taas oo ka dhigaysa in 7 qof oo 3 kamid ah ay ciidamo yihiin in qaraxaas ku dhaawacmeen.

Mid kamid ah Askarta dhaawacmay ayaa xaaladiisa laga soo deyrinayaa, waxaana soconaya howlgalo xooggan oo ay wadaan ciidamada amaanka dowlada Kenya.

Afhayeen u hadlay Booliska magaalada Gaarisa ayaa sheegay in ay socdaa hawlgallo ka dhan ah dadkii qaraxyada geystay oo uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono dhowaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here