Qaraxyo lala beegsaday dibalamaasiyiinta Israel ee India iyo Georgia

Bambaanooyin ayaa lala beegsaday baabuur ay lahaayeen diblamaasiyiinta Israel u fadhiya dalalka India iyo Georgia, iyadoo qaraxi India uu sababay dhaawaca afar ruux.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in nin watay mooto uu miino dhigay baabuur yaalay safaarada Israel ay ku leedahay magaalada Delhi, halka qaraxa kale oo lala damacsanaa xarunta Israel ee magaalada Tbilisi ayaa la qarxiyey.

Hogaamiyaha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyey qaraxyadaasi in ay ka danbeyso dowlada Iran.

Laakin saraakiisha Iran ayaa beeniyey in ay ku lug leeyihiin qaraxyada, iyaga oo ku tilmaamay been aanan indha laheyn.

Mid ka mid ah dadki sida xun ugu dhaawacmay qaraxi Delhi waxa ay aheyd xaaska mid ka mid ah saraakiisha wasaarada arrimaha dibada ee Yahuuda sida ay kusoo warantay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.