Qaraxyo Lagu Weeraray Sarkaal ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan

Qaraxyo xoogan ayaa lagu weerary hoyga uu dagan yahay mid ka mid ah saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaan qaraxyadan ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada ayaa isugu jiray  kuwa gacanta kaga tuuray iyo kuwa Goobta la dhigay aya lagu weeraray Guriga Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne, waxaana qaraxyada ay ahaayeen kuwa aad u xoogan.

Sida ay sheegeen qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowlada Baledweyne ayaa warbaahinta y sheegay inuu jiro khasaaro soo gaaray ciidamada Dowlada, iyagoo xaqiijiyay ilaa Dhowr dhaawac ah.

Magaalada Baledweyne ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amni daro, kaasoo ay geysanayaan kooxo aan la aqoon heebtooda.

Maamulka Gobolka iyo kan Magaalada Baledweyne ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo amaanka magaaladasi iyo guud ahaan Gobolka, waxaana socdaqaraxyada iyo dilalka, kuwaasoo lidi ku ah horumarka howlgalka Dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here