Qaraxyo kala Duwan oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Al shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyada Qaraxyadaasi

Qaraxa 1aad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Gubta halka loo yaqaano goofka shiraaye oo ciidamada dawlada fariisin ku leeyihiin.

Qaraxa oo ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxa xigay markii uu dhacay rasaas xoogan oo ciidamada dawlada ay furayeen taasi oo dadka cabsi gelisay.

Goob joogayaal gubta ku dhaqan ayaa ku waramaya inay maqlayeen rasaas iyo qarax dhacay iyagoo ka gaabsaday ka hadalka khasaaro hadii uu jiro.

Ilaa hadda wax faah faahino ah lagama helin qaraxaasi waxaase la rumeysan yahay waxyeelo kasoo gaartay ciidamadii lagu weeraray bambaanada maadama goobta ay tahay meel keyn ah oo ciidamaduna buuxeen.

Dhinaca kale qarax bambaano ayaa isla xalay waxa lagu weeraray guri ciidamada Nabad sugida ka deggan yihiin xaafada Carafaat ee degmada yaaqshiid halkaasi oo habeenkii afaraad qaraxyo lala beegsanayo.

Ma cada khasaaraha ka dhashay qaraxaasi inta uu la eg yahay waxaana ciidamada ay ridayeen qaraxa kadib rasaas xoogan oo laga yaabo inay shacabka xaafada waxyeelo kasoo gaartay.

Saraakiil uhadashay Al shabaab ayaa waxay sheegeen in qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada muqdisho ay iyagu ka dambeeyeeen islamarkaana lagu dilay ciidamo katirsanaa dawlada Somalia.

Idaacada andalus ee al shabaab leeyihiin ayaa baahisay amiir shabaab ah oo ka waramayey qaraxyadii habeenkii xalay ka dhacay degmooyinka Dayniile iyo yaaqshiid kuna faanay in askar badan oo dawlada ahaa inay ku dileen qaraxyadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here