Qaraxyo ka dhacay Mandheera oo sababy dhimasho iyo dhaawac

Laba qarax ayaa la sheegay in maanta ay ka dhaceen degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Qaraxyadaan oo sida la sheegay ahaa miinada nooca loo adeegsado rimoodka ayaa ka hore waxa uu ka dhacay goob ay ku suganaayeen ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya kuwaasi oo ku sugnaa meel aanan ka fogeyn saldhiga.

Weerarkaasi kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale kuwaasi oo iyana lala eegtay qaraxa labaad sida ay sheegayaan dad goob joog ah oo ku sugnaa halkaasi.

Qasaaraha ka dhashay labadaasi qarax ayaanan wali la ogeyn, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in uu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada booliska magaaalada Mandheera.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay ciidamada booliska Kenya, sidoo kale ma jirto cid sheegatay.

Qaraxyadi ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka Kenya ayaa waxaa sheegtay Xarakada Al Shabab oo dagaal kula jirto ciidamada Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com