Qaraxyo ka Dhacay Magaalad Muqdisho

Qaraxyo qaar kood ay ahaayeen miinada dhulka lagu aaso ee laga hago remote-ka, iyo bomb gacmeedyada gacanta laga tuuro ayaa maanta ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir qaar ee caasimadda Muqdisho.

Qaraxyada oo meelo kala duwan ka kala dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad rayid ah kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, mana jirto cid loo qabtay weerarka maanta ka dhacay Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa SN u sheegay in qaraxyadan ay ku dhinteen labo ruux, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mid ka mid ah qaraxyada lala beegsaday gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa lala eegtay gaariga Xildhibaanka oo marayay Xaafada Buulo Xuubey, kaasoo nuuciisa ahaa Qooqan, waxaana la sheegayay inuu ku dhaawacmay, halka wararkena ay tilmaamayeen inuusan saarneyn gaariga.

Sidoo kale waxaa qarax miino oo xigay bam gacmeed uu abaarihii duhurkii ka dhacay agagaarka Warshadii caanaha, iyadoo lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay labo ruux, halka sadex kale ay ku dhaawacmeen, sida dad goob joogayaal ay sheegeen.

Dhanka kale qof rayid ah ayaa lagu dilay Xaafada Via Liberia ee degmada Waabari, waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay toogteen.

Shaqaaqooyinkan maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo Xukuumada Soomaaliya ay sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid sugan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here