Qaraxyo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha

Laba qarax oo ah bambada gacanta lagu tuuro ayaa maanta lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada KMG oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Qaraxyada oo mid ka mid ah laga tuuray xarun dhismo ku yaala gudaha Suuqa Cabdalla Shideeye ayaa dhaawacay lix ruux oo uu ku jiray askari ka tirsan ciidanka dowlada kuwaasi oo fadhiyey meel maqaayad ah.

Qaraxa kale ayaa ka dhacay Suuqa Dahablaha sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaana lagu tuuray askar lugeyneysay.

Ma cada wali in dad loo soo qabtay iyo in kale, waxaase maanta suuqa ka jira xaalado kacsanaan ah.

Wixi kusoo  kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.