Qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo Muqdisho kadhacay

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro is xig xigay oo maanta Muqdisho ka dhacay, kooxo gaaraya ilaa 15 ayaa mudo 3 saacadood ah qabsaday xaruunta maxkamada gobolka banaadir,

Goobta ayaa hada waxaa gaaray ciidamo fara badan  ka kala tirsan kuwa nabadsugida booliska iyo milateriga dowlada Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Wararka hada aynu heleyno ayaa xaqiijinaya in 10 ruux ay ku nafwaayeen halka intaa in kabadan ay ku dhaawacmeen,wararka hada aan goobta ka heleyno ayaa tilmaamaya in masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ay goobta gaareen.

Xarunta maxkamada ayaa waxa ay ahayd goob saxmad badan xiliga uu weerarku dhacayey waxaana gudaha xarunta ku go’doomay boqolaal ruux waxaana ka mid ahaa dadka ku go’doomay dhismaha maxkamada masuuliyiinta garsoorka gobolka Banaadir iyo boqolaal ruux oo rayid ah,dadka ku xayirmay goobta ayaa waxaa lagu daad gureynayaa Jaranjarooyin la dhigay qeybta danbe ee dhismaha.

Ma cadda in madaxdii gobolku ay ku sugnaayeen Xaruna marka weerarku dhacaayo, dadka qaarkiis ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Cabdullaahi Caydiid Ilka-xanaf uu ku sugnaa xarunta marka weerarku dhacaayo, waxaana la xaqiijiyey in uu ka badbaadey weerarka.

Wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idiin soo gudbineeynaa insha alah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here