Qaraxyo iyo dagaalo ka dhacay xalay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Weeraro loo adeegsaday bambaanoyinka gacanta laga tuuro iyo iska horimaadyo hubeysan ayaa xalay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Goobo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo ku kala yiil isgoyska Sanca, Isgoyska Fagax iyo Siisii ayaa bambaanooyin lagu tuuray fiidnimadii xalay iyadoo la sheegay in illaa afar ka mid ah ciidamada dowlada ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Bambaanooyinkan ayaa ragii ka dambeeyey la sheegay inay baxsadeen inkastoo ciidamada dowlada ay rasaas rideedn markii bambaanooyinka ay qarxeen.

Sidoo kale ururka Alshabaab ayaa weeraro ku soo qaaday degmada kaaraan gaar ahaan agagaarka isbitaalka Keysaney iyo kaawooyinka oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan.

Degmada Huriwaa ayaa ka mid ah goobaha ay xalay dagaalada ka dhaceen waxaana uu markan dagaalku ka dhacay xerada Maslax oo dhowaan ay ciidamada Amisom la wareegeen.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee dadka ku nool deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ayaa muujinaya cabsi iyo walwal xoog leh.