Qaraxyo is Xig Xigay oo Xalay ka Dhaceen Gudaha Magaalada Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in magaaladaasi shalay ilaa xalay ay ka dhaceen qaraxyo.

Magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeelaha Hoose ayaa Xalay waxaa magaaladaasi ka dhacay labo qarax oo lala eegtay ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmadaasi.

Inta la ogyahay 2-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha Magaaladaasi.

” Walaal qaraxa waxa uu ka dhacay Shaleemadii hore ee Marka, waxa la kor saaray meel maqaaxi ah, hal qof ayaa ku dhintay, qof kalena dhaawac ayuu noqday” sidaasi waxa yiri guddoomiye ku xiggeenka Maamulka gobolka Sh/hose.

Sikastaba Qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa magaalada xalay lagu soo rogay bandow kaasi oo ka bilaawanayey 6:00 maqrib-nimo kuna ekaa 5:00 subaxnimo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here