Qaraxyo dhiig badani ku daatay oo ruxay magaalada Baghdad

Ugu yaraan 24 ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay deegaanada ay ku badanyihiin dadka Shiicada ee magaalada Baghdad xarunta dalka Iraq.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaarada Arimaha gudaha qaraxyada oo ka dhacay degmooyinka Sadr City and Kadhimiya ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 66 ruux.

Wakaalada wararka AFP ayaa ku warantay in mid ka mid ah bambooyinka uu isku qarxiyey nin watay mooto, halka sadexda kale ay ahaayeen miinooyin la dhigay wadada dhinaceeda.

Weeraradaan ayaa imaanaya xilli ay kor usii kaceyso cabsida laga qabo xiisadaha ku saleysan dhanka dagaalada xaga diinta ku saabsan iyo kala kooxeysiga Shiicada iyo Suniyiinta iyo ka bixitaanki ciidamada Mareykanka ee bisha December.

Dowlada awood wadaaga ku dhisan ee dalka Iraq ayaa mushkilad siyaasadeed wajaheysay tan iyo marki warqadi lagu soo xiri lahaa loo jaray madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Tariq al-Hashemi oo ah nin kasoo jeedo dadka Sunniga ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.