Qaraxyo caawa laga maqlay Baydhabo

Qaraxyo ayaa caawa laga maqlay magaalada Baydhabo kuwaasi oo isugu jiray bambooyin iyo madaafiic la is weydaarsaday.

Sida ay wararku sheegayaan nin lagu tuhmayo in uu ka tirsanyahay Al Shabaab ayaa bambo gacmeed ku tuuray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG Soomaaliya, balse howlgalo ay sameeyeen ciidanka ay kusoo qabteen dad uu ku jiray qofki bamka tuuray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay weerareen masaajid ku yaalay meel aad ugu dhaw halki uu qofka wax weeraray uu bamka kasoo tuuray, iyagoo ciidanka xiray sadex saf oo ka mid ahaa jameecadi masaajidka, hase yeeshee marki danbe ayaa lasoo sii daayey.

In yar kadibna goor cishihi ah ayey dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab madaafiic ku weerareen fariisimaha ay Itoobiyaanka ku leeyihiin Baydhabo, waxaase madaafiic jawaab ah iyana ridayey ciidanka Itoobiya.

Wali lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda ay isku garaaceen caawa ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.