Qaraxyo Bombaano oo Maanta ka Dhacaday Degmada Afgooye

Wararka naga soo gaaraaya degmada Afgooye ee gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaaya in weerarro Bambaanooyin loo adeegsaday ay maanta ka dhaceen degmadaasi.

Ciidamada Dwladda oo ku kala sugnaa goobaha Baar Ismaaciil, Aargada Afgooye iyo xarunta degmada Afgooye ayaa waxaa lagu weeraray Bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

3-Qarax oo kala duwan ayaa laga maqlay xaafadaha degmada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose, waxaana jirin khasaare ka dhashay weeraradaasi oo la soo sheegay.

Ciidamada Dowladda ayaa la soo sheegaayaa in ay hawlgalo ka sameeyeen nawaaxiga goobaha ay ka dhaceen qaraxyada, waxaana sidoo kale la soo sheegin cid ay ku soo qabteen hawlgaladaasi.

Qaraxyada maanta ka dhacay degmada Afgooye ayaa kusoo aaday xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ay soo hagaageysay xaaladda amni ee degmadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here