Qaraxyo Baladweyne lagula beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah

Qarax miino ayaa saakay lagula eegtay magaalada Baladweyne ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay dhanka bari ee magaalada.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaasha, qaraxan ayaa waxa lala eegtay ciidamo ku lugeeynayey wadada labadeeda dhinac meel u dhaw Buundaweyn oo ku taala xaafada Nuur Xawaad oo ah xaafad aysan dadka ku badneyn.

Inkastoo aanan la ogeyn qasaaraha soo gaaray Itoobiyaanka, hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray.

Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas goobta ka dhacday oo ay fureen ciidamada la bartilmaameedsaday, waxaana haatan xiran dhamaan goobaha ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa xaafada uu qaraxu ka dhacay.

Waa qaraxi sadexaad oo lagula eeganayo magaalada Baladweyne ciidamo Itoobiyaan ah bishaan gudaheeda.

Mudo iminka la joogo todobaad ayaa fariisin ay ku leeyihiin Itoobiyaanka magaalada Baladweyne lala eegtay qarax ismiidaamin ahaa kasii oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.