Qaraxyo qasaara geystay oo ka dhacay xeryaha Ifo

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in laba qarax oo xalay ka dhacay xeryaha qaxootiga Ifo ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 ruux oo isugu jira Somali iyo Kenyan.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah waxaana wararku ay tilmaamayaan in qof si kadis ah uu ugu tuuray kadibna goobta ka cararay, halka dad kalana ay sheegayaan in ay aheyd miino.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa labaad lagu tuuray goob ay ku badnaayeen Soomaali balse ay ku jireen tiro yar oo Kenyan ah, waxaana dadka ku dhaawacmay tiradoodu ay gaareysaa ilaa iyo 7 ruux oo isugu jira rayid iyo booliska Kenya.

Waa marki labaad oo xiriir ah oo uu qarax ka dhacayo Xeryaha Qaxootiga Kenya 48 saacadood gudahood, Sabtidi ayey aheyd marki bam gacmeedyo lagu weeraray xerada Dhadhaab sida ay sheegeen saraakiisha booliska Kenya.

Ma jirto wali cid sheegatay mas,uuliyada qaraxyadaasi, hase yeeshee qarxyo horay uga dhacay halkaas ayaa waxaa sheegtay Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.