Qarax Xoogan Oo Goor dhaw ka Dhacay Nawaaxiga Km4.

Qaraxa oo ahaa mid goor dhaw ka dhacay agagaarka Wadada Maka Al mukarama agagaarka halka loo yaqaano shaqaalaha waxaana uu ahaa mid gaari loo adeegsaday.

Qaraxa ayaa la ogeyn cida lala beegsanayey waxaana inta la ogyahay ku dhintay labo qofood waxaana ku dhaawacmay 4 qofood inta la og yahay.

Halka loo yaqaano Xaaji Baasto oo ku dhaw agagaarka Wadada shaqaalaha iyadoo wali la daabulayo dhaawacyada dadkii waxyeeladu ay soo gaartay.

Xaalada goobta ayaa ah mid kacsan rasaas ayaa dhaceysa waxaana ciidamadu yihiin kuwo wadada xiray,rasaasta waxaa furaya ciidamada dawlada iyo kuwa amisom iyadoona xaaladu tahay mid cakiran.

Wixii kasoo kordho kala soco dib insha allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here