Qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ruxay bartamaha magaalada Muqdisho kadib markii baabuur ay saarnaayeen waxyaalaha qarxa uu ku dhex qarxay xarunta CID ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay baabuur ku jirey gudaha xarunta CID ee agagarka Lambar 4 iyadoo ciidamada dowlada ay baaritaan ku samaynayeen baabuurkan.
Baabuurka oo ah baabuurka lagu raaxeysto ee loo yaqaan Carib iyo afar ruux ee saarnayd ayaa ciidamadu su’aalo ay weydiinayeen xilligii uu qaraxan dhacay.
Sida ay ku warameen saraakiil ka mid ah ciidamada dowlada waxaa qaraxan ku dhaawacmay labo kamid ah ciidmada ka howlgala xarunta CID eek u taal agagaarka isgoyska Lambar 4.
Qaraxan maanta dhacay ayaa ah kii labaad oo noociisan oo kale ah oo dhaca xilli ay ciidamadu baarayaan baabuur waxyaalaha qarxa lagu soo xirey, waxaana 6dii bishii December ee sanadkii hore iyadoo isgoyska Lambar 4 agagaarka safaarada Masar uu ku qarxay baabuur Carib ah oo ay ciidamadu baarayeen waxaana qaraxaas ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka.
iida cid somali. Aqon ku filan ma le dahay?