Qarax Xalay Lagu Weeraray Fariisin Ciidamada Dawladda ku Leeyihiin Xerta Shiikh Adan Dheere ee Wardhiigley

Waxay ku waramayaan dad ka mid ah kuwa deegaanka kooxo hubeysan ayaa xalay weerar bambaanooyin loo adeegsaday ku weerareen ciidamo katirsan kuwa dawlada Somalia.

Fariisinka la weeraray ayaa la ogeyn khasaaraha uu ugeystay ciidamada dawlada waxase la maqlay qaraxa kadib rasaas xoogan oo ciidamada fureen iyadoona dadka ku dhaqan Xaafada xerta shiikh adan Dheere ay sheegeen in waxyeelo jirin oo dadka rayidka soo gaarin.

Qaraxa ayaa waxa ka dambeeyey dhalinyaro afar gaareysa kuwaasi oo goobta ka baxsaday markii qaraxa ay fuliyeen kuna weerareen fariisinka ciidamada dawlada.

“Walaaloow qaraxa inuu dhacay oo lagu weeraray fariisinka askarta dawlada ayaa ogahay laakiin khasaaro ma sheegi karno,annaga waxaan degganahay Xerta shiikh Adan dheere sidaa waxa yiri gabar dadka deegaanka ah”.

Howlgalo ayey ciidamada dawlada kasameeyeen saaka aroortii qeybo ka mid ah degmada Warta Nabada ayaan lasoo sheegin dad ay kusoo qabteen,mana ahan markii ugu horeysay oo qarax uu ka dhacay xerta Shiikh Adan dheere.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here