Qarax xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid

Hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay afar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray ka gadaal marki qarax xoog leh uu ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ku taala agagaarka Hotel Bin Cali degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaaraxa ayaa la rumeysanyahay in uu ahaa miino lagu aasakay goobta waqti aanan la ogeyn sida ay sheegayaan wararka taasi oo lala rabay ciidamo ka tirsan dowlada oo mar walba fariisan jiray balse xalay ka maqnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa rayid goobta iska fadhiyey, sidoo kale afarta dhaawaca ah ayaa iyaguna ka mid ahaa dad shaah iyo cunooyinka fudud ka cunayey.

Degmada Yaaqshiis ayaa ka mid ah deegaanada ugu qaraxyada badan ee magaalada Muqdisho, horaanti bishaan ayey aheyd marki qof rabay inuu dhigo miino ay isagi kula qaraxday meel u dhaw xarunta degmada Yaaqshiid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here