Qarax xalay ka dhacay Baydhabo


Hal ruux ayaa ku dhintay 2 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray marki xalay qarax lagu weeraray suuq lagu iibiyo qaadka oo ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka danbeeyey marki laba wiil oo dhalinyara ahaa ay fiidki xalay si lama filaan ah ay ugu tuureen mamka gacanta laga tuuro suuqa qaadka o xiligaasi ay ka iibsanayeen jaad dad u badnaa rayid.

Qofka dhintay ayaa aheyd haweeneey ka mid ah dadka qaad walayaasha, halka warar kale ay leeyihiin waxa uu ahaa nin ka mid ahaa dadki ka iibsanayey jaad goobta, sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa ahaa rayid goobta ku sugnaa.

Ciidamada dowlada oo halkaasi gaaray ayaanan u qaban cidna, iyadoo ay baxsadeen dadki falkaasi sameeyey.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhaca falalka noocaan oo kale ah inkastoo aysan aad u badneyn.