Qarax Weyn Oo Goordhow Ka Dhacay Iskuul Buluusiyo

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay , halka uu ka dhacayo shirka lagu ansixinaayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ee Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamar-jabjab ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan Xamar-Jajab ayaa u sheegay in maqlayn qarax weyn uu ku tilmaamay in uu yahay mid is-miidaamin ah,laakin Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab waxa uu sheegay in qaraxa uu jiro ,laakin aysan cadeen karin waxa uu yahay.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay in qaraxa uu ka dhacay, mid ka mid ah bar-kontroolada ugu horreeyay ee laga soo galo ilinka ugu horeeya ee Shirka, waxana uu sheegay in qaraxa wax yeelo soo gaarsiiyay gaari hoomeey ah oo goobta ku sugnaa, laakin khasaaraha uu geestay aan la ogeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here