Qarax waxyeelo geystay oo ka dhacay Kismaayo

QARAX-CopyWararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.

Qaraxa waxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo iyadoona qaraxaasi ay ku dhinteen labo Askari oo katirsanaa Nabad Sugida Maamulka Jubba waxaana ku dhaawacmay 3 ruux oo shacab oo dhamaantood ahaa Haween.

Xaafada Guulwade ayaana qaraxa uu ka dhacay waxaana ciidanka Amaanka Jubba ay bandaw ka dhigeen Xaafada Guulwade ee Magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax khasaaro geysta uu ka dhaco magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here