Qarax uu qof ku dhintay oo ka dhacay Islii

Qarax uu qof ku dhintay oo ka dhacay Islii
Qarax uu qof ku dhintay oo ka dhacay Islii

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ayaa sheegay in halkaas uu galabta ka dhacay qarax wey.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhacay guri ku dhex yaala xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, sidda ay lee yihiin hey’addaha ammaanka.

Ninka dhintay, ayaa waxaa lagu sheegay mid farsamanaayay qaraxa galabta ka dhacay Islii, isla-markaana weli ma cadda waxa ay jinsiyadoodu tahay.

Ciidanka ammaanka ee, ayaa hadda ku sugan dhismaha uu qaraxu ka dhex dhacay, waxayna xirayn aaggaasi, si ay baaritaano ugu sameeyaan.

Barasa Wabomba oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Magaalada Nairobi, wuxuu xaqiijiyay in ninka geeriyooday uu farsameynaayay qaraxaasi, wuxuuna xusay in uu gacmahiisa isku dilay.

Kenya waxa ay maalmahan la kulmeysay weerarro iyo qarraxyo kuwaasoo la sheegay in ay fuliyaan kooxo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here