Qarax uu ku dhintay ninki waday oo galabta ka dhacay Muqdisho

Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa galabta si iskiis ah isaga qarxay meel u dhaw daarta Seey Biyaano ee magaalada Muqdisho.

Baabuurka oo ahaa nooca loo yaqaano Kaarib ee labadi sano ee lasoo dhaafay aad ugu soo batay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka yimid Ceelasha Biyaha waxaana uu mar qura ku qarxay agagaarka Say Biyaano sida ay sheegeen dad goob joog ah.

Qofka dhintay ayaa ahaa darawalki baabuurka oo ahaa ninka waday walxaha qarxa Qofka dhintay ayaa ahaa nin dhalinyara ah isla markaan.

Arrinta layaabka laheyd oo ay la cajabeen dadki goobjoogayaal ahaa ayaa aheyd kadib marki ay mar qura arkeen gaarigi qarxay oo uu kasoo baxay nin nool.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Maxamed, waxa uu u waramay isla goobta wariyaasha waxaana uu yiri:

‘Maxamed Xasan Maxamed (Taataabte), waxaan baabuurka kasoo saaray Suuqa Geela ee Siinka Dheere, aniga ayaa gacanta u taagtay kadibna wuu isoo qaaday, inti aan jidka kusoo jirnay wuxuu iigaga sheekeynayey geela waayo aniga geeleey ayaan ahay oo waan iibiyaa, ninkaan magaciisa ma uusan ii sheegin wax hadal ah oo ka baxsan geel imuusan sheegin marka aan ALLE ka baqo ninka wajigiisa dareen ma laheyn, marki aalkaan imid qarax ayaa dhacay waxaan ka war helay “Gaw” anigana markaas waan kasoo baxay waana yaabay ILAAH ayaana iga badbaadiyey”

Hey’ada nabadsugida oo gacanta ku dhigtay gaariga ayaa sheegtay in ay gaariga ku jiraan qaraxyo kale isla markaana ay wadaan haatan baartiaano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.