Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo lagu weeraray magaalada Momba

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay 14 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib weeraro bambaano oo xalay lagu qaaday maqaayad ku taalo magaalada xeebeedka Mombasa iyo kaniisad ay ku taala deegaanka  Mtwapa ee dalkaasi Kenya/.

Booliska ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen 12 ruux kaniisada magaalada Mtwapa halkaasi oo ay ku cibaadeysanayeen dad masiixiyiin ah sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay taliyaha booliska ee gobolka xeebta.

Sarkaal kale oo ka tirsan booliska oo diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa sheegay in mid ka mid ah 12-ka ruux ee dhaawacantay uu dhintay inti loo sii waday isbitaalka.

Qaraxa kale waxa uu ahaa mid lagu weeraray maqaayad laga cunteeyo oo ku taala Mombasa, waxaana halkaasi ku dhaawacmay sadex ruux oo uu ku jiray nin askari ah kuwaasi oo sida la sheegayo uu kasoo gaaray dhaawac fudud.

Tan iyo marki ay ciidamada Kenya gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya sanadki hore waxa jiray weeraro qaraxyo ah iyo dilal kuwaasi oo ay kooxo aanan la aqoon, inkastoo dowlada Kenya ay ku sheegtay in ay ka danbeeyaan Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.