Qarax sababay dhaawac oo ka dhacay dalka Kenya

Sadex ruux oo uu ku jiro askari Kenyan ah ayaa ku dhaawacmay marki gaari ay la socdeen ciidamada Kenya qarax lagula eegtay magaalada Mandheera ee xuduudka Soomaaliya.

Gaarigan oo ka mid ahaa baabuur kolonyo ah oo qafilnaa ayey miinadu la kacday xilli ay marayeen wadada oo ay markaasina ku sugnaayeen dad rayid ah kuwaasi oo laba ruux ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada Buulo Jineefa ayaa sheegay inay mar qudha maqleen jug culus oo qarax ahaa, oo gaariga qabsaday, isla markaana kadib ay uuro arkeen.

Warka ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadka dhaawaca ah ay qabteen ciidamada Kenya iyaga oo ku eedeynaya in uu isagu ka danbeeyey.

Ciidamo fara badan oo Kenyan ah ayaa soo buux dhaafiyay halka qaraxa uu ka dhacay oo ka mid ah xaafadaha qadiimiga ah ee Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al Shabaab ayaa loo maleynayaa in ay ka danbeeyaan qaraxaasi ka dhacay maanta magaalada Mandheere, hase yeeshee wali ma sheegan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.